Wasiir Sabriye oo sharaxay heshiiska dowladda iyo Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sharaxaad ka bixiyey heshiiska 20-ka Xildhibaan ah ee dowladdu la gashay Ahlu-Sunna.

Heshiiska ayaa nuxurkiisu yahay in Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 mudane, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha qabaa’ilka. Wadarta guud ee baarlamaanka Galmudug waa 89.

Sidda laga soo xigtay Sabriye, Ahlu Sunna ayaa 20-ka Xildhibaan ku saleyneysa nidaamka awood qeybsiga beelaha.

"Ahlu Sunna ayaa soo magacaabeysa Xildhibaanadda, laakiin sidii beelaha Galmudug wax u qeyb-sadeen ayay ku saleyneysaa," ayuu wasiirka ku sheegay wareysi uu siiyey VOA Soomaali.

Galmudug oo kamid ah maamuladii ugu dambeeyay ee la dhisay kana mid ah federaalka Soomaaliya ayaa dhidhibada loo taagay 2015-kii kadib shirar ku qabsoomay magaalada Cadaado.

Markii la aas-aasayey Galmudug, Ahlu Sunna qayb kama ahayn, balse waxay haysatay Dhuusamareeb, oo ah caasimadii. Kadib dedaalo caalamka ka yimid, waxay kusoo biirtay 2018-kii.

"Beel kursi ka dhimaayo ma jiro, beel kursi u kordhaayana ma jirto," ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Sabriye.

Sabriye oo rajo fiican ka muujiyey in uu dhaqan-geli doono heshiiska cusub ayaa carabka ku dhuftay in uu damaanad-qaadi doono in xukuumadda uu ka tirsan yahay diyaar u tahay fulintiisa.

"Sidaas awgeed, waan dhaqaaqeynaa, waxaan ku heshiinay Ahlu Sunna in la beel-dareeyo ayaa noo daran," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, isaga oo ka jawaabaya eedeymo ku aadan in xukuumadda ay farogelin ku hayso doorashooyinka maamuladda gaar ahaan Galmudug, Sabriye ayaa beeniyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM