Dowladda Soomaaliya oo Digniin cusub soo saartay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa soo saarey digniino cusub oo ku wajahan Warbaahinta iyo Hoteelada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa uga digay Hoteelada Muqdisho inay martigeliyaan shirarka gaarka ah ee lagu dhaliilayo Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo doonaysa inay qabsato kulan looga baahan yahay inuu ku wargeliyo, oo ogaalaansho ka raadiyo Wasaaradda Amniga, si ay ula socoto waxyaabaha shirarka looga hadlayo.

Wasiir Islow ayaa digniin iyo hanjabaad u diray Warbaahinta madaxa-banaan ee ka howlgala Muqdisho, oo uu sheegay in mudooyinkii dambe ay faafinayeen warar la xiriira qaraxyada Al Shabaab soo geliso magaalada.

"Warbaahinta waxay soo gudbiyaan warar aan sal iyo raad lahayn, oo madaxda qaranka loogu xad-gudbayo, marka waxaa ku wargelinayaan in qofkii lagu qabto arrimahaasi waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan," ayuu yiri Wasiir Islow.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed oo looga soo horjeedo dowlada Farmaajo iyadoo wararka ay sheegayaan in xildhibanao ka tirsan Barlamanka Federaalka ay wadaan in codadka kalsoonida kala noqdaan qaar ka tirsan madaxda sare ee dowlada. Halkaan ka akhri

Dhanka kale, Wasiirka waxa uu ka hadlay hubka lagu dhex-wato magaalada Muqdisho oo jebinaya go'aankii Gollaha wasiirada ay bilooyin kahor ku mamnuuceen in 4 qori oo AK-47 ka badan la qaadan karin.

Wuxuu xusay in Mas'uul kasta la faray inuusan qaadan karin wax ka badan 4 qori oo Ak-47 ah, iyo hubka culus sida Daba-jeexa, balse loo hogaansami waayay amarkaasi kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM