Dowladda Soomaaliya oo Digniin cusub soo saartay [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, ayaa soo saarey digniino cusub oo ku wajahan Warbaahinta iyo Hoteelada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa uga digay Hoteelada Muqdisho inay martigeliyaan shirarka gaarka ah ee lagu dhaliilayo Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Wuxuu sheegay in cid kasta oo doonaysa inay qabsato kulan looga baahan yahay inuu ku wargeliyo, oo ogaalaansho ka raadiyo Wasaaradda Amniga, si ay ula socoto waxyaabaha shirarka looga hadlayo.

Wasiir Islow ayaa digniin iyo hanjabaad u diray Warbaahinta madaxa-banaan ee ka howlgala Muqdisho, oo uu sheegay in mudooyinkii dambe ay faafinayeen warar la xiriira qaraxyada Al Shabaab soo geliso magaalada.

"Warbaahinta waxay soo gudbiyaan warar aan sal iyo raad lahayn, oo madaxda qaranka loogu xad-gudbayo, marka waxaa ku wargelinayaan in qofkii lagu qabto arrimahaasi waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan," ayuu yiri Wasiir Islow.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasdeed oo looga soo horjeedo dowlada Farmaajo iyadoo wararka ay sheegayaan in xildhibanao ka tirsan Barlamanka Federaalka ay wadaan in codadka kalsoonida kala noqdaan qaar ka tirsan madaxda sare ee dowlada. Halkaan ka akhri

Dhanka kale, Wasiirka waxa uu ka hadlay hubka lagu dhex-wato magaalada Muqdisho oo jebinaya go'aankii Gollaha wasiirada ay bilooyin kahor ku mamnuuceen in 4 qori oo AK-47 ka badan la qaadan karin.

Wuxuu xusay in Mas'uul kasta la faray inuusan qaadan karin wax ka badan 4 qori oo Ak-47 ah, iyo hubka culus sida Daba-jeexa, balse loo hogaansami waayay amarkaasi kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM