Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kalmad ka jeediyay Shirka Ururka G77

Image

HAVANA, Cuba - Shirka sanadlaha ah ee G77 ayaa maanta lagu qabtay dalka Cuba, waxaana diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee aqoonta, hal-abuurka, iyo tignoolajiyada ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha adduunka.

Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirka oo ka hadlay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay isgaarsiinta iyo lacagaha elektaroonigga ah, taasoo keentay in Soomaaluya ay ka mid noqoto hogaamiyayaasha caalamka ee dhanka horumarinta tignoolajiyada.

Wasiir Abshir Huruuse oo wadahadalo gaar ah la yeeshay wufuudda kale ee shirka kasoo qeyb geshay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida hagar la’aanta ah ee ay dawladdu ugu heelan tahay ka-qaybgalka bulshada caalamka, iyada oo loo marayo siyaasad sugan oo ku qotonta saaxiibtinnimo, iskaashi iyo is-ixtiraam.

Ururka G77 oo la aasaasay 60 sano ka hor kana koobnaa 77 waddan, ayaa hadda ku mideysn 134 waddan, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 80% dadweynaha adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM