Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kalmad ka jeediyay Shirka Ururka G77

Image

HAVANA, Cuba - Shirka sanadlaha ah ee G77 ayaa maanta lagu qabtay dalka Cuba, waxaana diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee aqoonta, hal-abuurka, iyo tignoolajiyada ay ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha adduunka.

Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirka oo ka hadlay horumarka la taaban karo ee laga sameeyay isgaarsiinta iyo lacagaha elektaroonigga ah, taasoo keentay in Soomaaluya ay ka mid noqoto hogaamiyayaasha caalamka ee dhanka horumarinta tignoolajiyada.

Wasiir Abshir Huruuse oo wadahadalo gaar ah la yeeshay wufuudda kale ee shirka kasoo qeyb geshay ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka saaxiibka la ah.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay sida hagar la’aanta ah ee ay dawladdu ugu heelan tahay ka-qaybgalka bulshada caalamka, iyada oo loo marayo siyaasad sugan oo ku qotonta saaxiibtinnimo, iskaashi iyo is-ixtiraam.

Ururka G77 oo la aasaasay 60 sano ka hor kana koobnaa 77 waddan, ayaa hadda ku mideysn 134 waddan, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 80% dadweynaha adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM