Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Image
Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhiga Soomalaiya u sheegay TV-ga Universal in labo todobaad kahor la xaqiijiyay in ay dhacdey xatooyada loo geystay raashiinka ciidamadda Danab.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo garan-og-yahay Jaamac ayaa waxa uu intaas kusii daray in qaar ka mid ah saraakiishii ku lugta laheyd falkaas lagu soo qabtay todobaad ka hor.

Jaamac oo horey usoo noqdey Sii-haayaha Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa diiday in uu sheego tirada dadka u xiran xatooyada balse waxa uu qirtay in raashiinka lagu iibinayay suuqa.

Mar la weydiiyay mas’uuliyadda wixii dhacay, Jaamac ayaa sheegay in masuuliyaddu ay tahay heer unug. Tani waxay meesha ka saareysaa wararka xusaya in ay ku lug-leeyihiin madaxda Wasaaradda.

Wuxuu ku andacoodey in dhacdadaan ay ku soo beegantay xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay horey ugu howlaneyd lasoo wareegitaanka mas’uuliyadda saadka ciidamada.

Dhanka kale, Wasiir Jaamac oo soo qabtey xilka Safiirka Soomaaliya ee waddanka Turkiga ayaa wuxuu xaqiijiyay in taageerada Mareykanka ee Danab ay sii socoto marka laga reebo raashinka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiir Jaamac oo wacad ku maray inuusan joojin doonin adeegsiga barta TikTok ayaa waxa uu ku doodey inay tahay goob lagu gudbiyo fariimaha lana tanaasuli doonin isticmaalkeeda.

Sikastaba ha ahaatee, Jaamac ayaa si weyn ugu soo shaac-baxay aalaaddan dabayaaqada sanadkii 2021-kii xilligaa soo uu iska soo duubay heesta 'Madaxaa na furan' taas oo u bixisay naaneesta "Mr TikTok".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM