Wasiirka Gaashaandhigga oo fariin u diray dadka ka barakacay deegaanada la xoreeyay

Image

CEEL LAHELAY, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta ugu baaqay dadka sida qasabka ah looga barakiciyay guryihii ay ka deganaayeen magaalooyinka Ceel lahelay iyo Ceel Garas in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadoodii.

Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa deegaanka Ceel lahelay ee gobolka Galgaduud ayaa ku nuux-nuux saday in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowladda ay si buuxda uga go’an tahay u gurmashada iyo garab istaagga shacabka deegaanka ee ay waxyeelada kasoo gaartay kooxda ‘AS’.

Sidoo kale, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nur ayaa sheegay inuu aad ula dhacsan yahay kaalin ee Ciidamada deegaanka ka qaateen taakuleynta Ciidanka Qaranka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Qaranku ayaa ka kaashanayo maamulka deegaanada dhawaan lala wareegay sidii adeegyada aasaasiga ah loogu soo celin lahaa deegaanadaas, taas oo u fududeyneysa dadka deegaanka ka qaxay in ay dib ugu soo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM