Wasiirka Isgaarsiinta oo doonayo in la dhaqan geliyo go’aankiisa

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay kulan uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac.

Kulankan ayaa ku soo beegmay maalinta ay u qorsheesay Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada in xayiraad la saaro aaladaha TikTok, Telegram, iyo 1XBET.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Jaamac Xasan Khaliif uu ka dalbaday Golaha in ay taageeraan go’aankiisa, halka goluhuna uu wasiirku kula taliyey in uu kulamo la qaato culimada, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sidoo kale golaha ayaa soo jeediyay in wasiirku oo hor istaago guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Golaha Shacabka 27-kii bishan oo sharraxaad ka bixiyo sababaha keenay go’aankan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ay diideen go’aan aan lagala tashan hey’adaha ay khuseyso, isla markaana aan si wada jir ah loo qaadan.

Balse wasiirka ayaa isku dayaya inuu ku adkeysto fulinta go’aanadiisa, isagoo xiriiro la sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan madaxa dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM