Wasiirka Warfaafinta oo Iclaamiyay in dalku galay Xaalad degdeg ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dalka uu galay xaalad deg deg ah kadib fatahaado oo ku dhuftay gobollo ka mid ah dalka.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta Dawud Jaamac Aweys, waxaana ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo mas’uuliin kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay khasaaraha ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle iyo Jubba, iyadoo ay ku dhinteen 31 qof, waxayna sababtay barakac ballaaran iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Hay’ado badan oo caalami ah ayaa sameeyay barnaamijyo gargaar oo loogu gurmanayo dadka dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay gobollada koonfureed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM