Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay xubannimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay noqoto Xubintii 8-aad ee Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo ka kooban Burundi, Kenya, Uganda, Rwanda, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Koonfurta Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qoraal ku sheegay:

“Kadib habraac adag oo qiimeyn ah, codsiga xubinnimada Soomaaliya ayaa la filayaa in la ansixiyo. Ku biirista EAC waxay keenaysaa mashaariic kaabayaal dhaqaale, fursado maalgashi, waxayna fududayn doontaa isu socodka dadka iyo badeecadaha.”

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajaynayso in ay ka barato EAC hab-dhaqanka ugu wanaagsan ee dimuqraadiyadda iyo dawladnimada.

Bulshada Bariga Afrika ayaa ka taageeray Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada, sidoo sheegay wasiirka, oo intaa ku daray in wadamada EAC ay qeyb ka yihiin Ciidamada Nabbad Ilaalinta ee ka howlgala dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM