Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Doodishe

Image

DOHA (GO) - Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu warqadaha aqoonsiga danjiranimo ku wareejiyay Sultan bin Saad Al Muraikhi Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibada ee Qatar.

Munaasabadan ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee caasimadda Qatar, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan hab-maamuuska iyo diblomaasiyiin.

Safiirka ayaa yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in aan Soomaaliya ku matalo Dowladda Qatar, iyadoo la eegayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal, waxaana ka shaqeynaya xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.”

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa u rajeeyay Safiirka cusub ee Soomaaliya in uu ku guuleysto xilka loo igmaday, si ay u xoojiyaan xiriirka walaaltinimo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM