Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay meel ku dhaw Muqdisho

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Ugu yaraan Lix askari ayaa ku dhimatay, tiro kelana dhaawac ayaa kasoo gaarey Qarax Miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa galbinayay Kolanyo sahay u wadey garoonka diyaaraddaha ee Ballidogle ee isla gobolka, sida ay Warisdaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

"Gaari ay la socdeen ciidamo Soomaali ah oo galbineysay kuwa AMISOM ah oo Saldhiga Ballidogle ku socday ayay la kacday Miinada. Aniga waxaan arkay Lix askar oo isla meesha ku dhimatay," ayuu yiri Goobjooge, Xasan Mahdi oo la hadlay GO.

Saraakiisha ciidamadda xooga ee gobolka oo ka hadlay weerarkaan ayaa tilmaamay in Askarta ku dhaawacantay Qaraxa loola caray Saldhiga Ballidogle, halkaasoo ay degan yihiin Ciidamada Mareykanka ah.

Qaraxaan ayaa yimid waxyar kadib markii qarax kale oo miino ahaa lagu weeraray kolonyo AMISOM xilli ay marayeen duleedka Muqdisho, kaasoo ay ku dhaawacmeen 4 Askari oo u dhashay dalka Burundi. [Halkan ka akhri Warka].

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada weerar.

Qaraxyada Miinooyinka wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa soo kordhayay mudooyinkii dambe kuwasoo lala eegto gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda xilliyada ay kusii jeedaan ama ka yimaadaan gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM