Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay meel ku dhaw Muqdisho

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Ugu yaraan Lix askari ayaa ku dhimatay, tiro kelana dhaawac ayaa kasoo gaarey Qarax Miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa galbinayay Kolanyo sahay u wadey garoonka diyaaraddaha ee Ballidogle ee isla gobolka, sida ay Warisdaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

"Gaari ay la socdeen ciidamo Soomaali ah oo galbineysay kuwa AMISOM ah oo Saldhiga Ballidogle ku socday ayay la kacday Miinada. Aniga waxaan arkay Lix askar oo isla meesha ku dhimatay," ayuu yiri Goobjooge, Xasan Mahdi oo la hadlay GO.

Saraakiisha ciidamadda xooga ee gobolka oo ka hadlay weerarkaan ayaa tilmaamay in Askarta ku dhaawacantay Qaraxa loola caray Saldhiga Ballidogle, halkaasoo ay degan yihiin Ciidamada Mareykanka ah.

Qaraxaan ayaa yimid waxyar kadib markii qarax kale oo miino ahaa lagu weeraray kolonyo AMISOM xilli ay marayeen duleedka Muqdisho, kaasoo ay ku dhaawacmeen 4 Askari oo u dhashay dalka Burundi. [Halkan ka akhri Warka].

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa sheegatay mas'uuliyadda labada weerar.

Qaraxyada Miinooyinka wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa soo kordhayay mudooyinkii dambe kuwasoo lala eegto gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda xilliyada ay kusii jeedaan ama ka yimaadaan gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM