Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Baydhabo [Fahfaahin]

Image

BAYDHBO, Soomaaliya - Ugu yaraan Labo askari ayaa ku dhimatay, tirro kale dhaawac ayaa kasoo gaaray weerar ka dhacay Guri ku yaalla magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in Gurriga la weeraray oo ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan iyo Taliyaha ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed ee degaanka Daynuunay, oo katirsan isla gobolka Baay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka, kaasi oo ay ku faantay inay khasaaro kala duwan ku gaarsiisay Saraakiishii iyo Ciidamadii gurig aku sugnaa.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in weerarkaan uu ahaa mid loo adeegsaday Bamka gacanta, iyadoo Ragii ka dambeeyy ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen.

Saraakiisha amaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaara ahaan kuwa magaaladda Baydhabo ayaa waxay tilmaameen inay wadaan howlgalo ay ku raadinayaan Ragii weeraray Gurriga Taliyaha.

Faahfaahinadda waxay intaas ku darayaan in xubnaha dhaawacmay aysan ku jirin saraakiil ciidan, laakiin badankooda ay yihiin Askartii ilaaladda ka haysay Gudaha iyo Hareeraha Hoyga Taliyaha.

Mudooyinkii dambe amaanka degaanadda Koonfur Galbeed, gaara ahaan midka Baydhabo waxa uu ahaa mid soo hagaagayay, inkastoo ay jiraan caqabado kale oo ah go'doominta Al-Shabaab ee degmooyinka Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM