Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Baydhabo [Fahfaahin]

Image

BAYDHBO, Soomaaliya - Ugu yaraan Labo askari ayaa ku dhimatay, tirro kale dhaawac ayaa kasoo gaaray weerar ka dhacay Guri ku yaalla magaaladda Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in Gurriga la weeraray oo ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan iyo Taliyaha ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed ee degaanka Daynuunay, oo katirsan isla gobolka Baay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarka, kaasi oo ay ku faantay inay khasaaro kala duwan ku gaarsiisay Saraakiishii iyo Ciidamadii gurig aku sugnaa.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in weerarkaan uu ahaa mid loo adeegsaday Bamka gacanta, iyadoo Ragii ka dambeeyy ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen.

Saraakiisha amaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaara ahaan kuwa magaaladda Baydhabo ayaa waxay tilmaameen inay wadaan howlgalo ay ku raadinayaan Ragii weeraray Gurriga Taliyaha.

Faahfaahinadda waxay intaas ku darayaan in xubnaha dhaawacmay aysan ku jirin saraakiil ciidan, laakiin badankooda ay yihiin Askartii ilaaladda ka haysay Gudaha iyo Hareeraha Hoyga Taliyaha.

Mudooyinkii dambe amaanka degaanadda Koonfur Galbeed, gaara ahaan midka Baydhabo waxa uu ahaa mid soo hagaagayay, inkastoo ay jiraan caqabado kale oo ah go'doominta Al-Shabaab ee degmooyinka Baay iyo Bakool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM