Weerar ciidan ajnabi ka qeybgaleen oo lagu qaadey 'AS'

Image

SHABEELLOW, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Shabeellow ee dhaca koonfurta gobolka Mudug, waxa ayna ku dileen dagaalyahano dhor ah oo ka tirsan kooxda ‘AS’, waxaana weerarka ka qeyb qaatay ciidamo ajnabi ah.

Weerarka ayaa lala beegsaday xubno ku dhuumaaleysanayay godad ku yaalla howdka ku xeeran Shabeelloow, waxaana u suuragashay inay guulo la taaban karo ka gaaraan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Bayaan ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheeegay in,ujeedkoodu ahaa in ay burburiyaan gaadiid ay lahaayeen ururka ‘AS’ oo saarnaa agab ciidan iyo waxyaabo kale oo muhiim ah sida raashin, biyo, iyo dawooyin.

Ciidamada dowladda ayaa gubay dhammaan gaadiidkii ay saarnaayeen agabka muhiimka u ahaa ‘AS’, xilli ay kooxdu la daala dhaceyso weeraro isdabajoog ah oo lagu beegsanayo goobaha ay kaga sugan yihiim gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday degaanka Shabeelloow, halkaasoo ay iska caabin xooggan kala kulmeen xubno ka tirsan ‘AS’, kuwaasi oo difaacyo ka sameystay deegaankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM