Weerar lagu qaaday Xaflad loo qabtay Xuska 8-da February [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Xaflad taageeriyaasha Madaxweyne Farmaajo ay ku qabteen magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya taasi oo lagu xusayay 8-da February ayaa weerar lagu qaadey.

Waxaa mar qura lagu kala cararay xafladda oo ka dhacaysay Hotel-ka Bin Cali oo ku yaalla 8 Street Xaafadda Islii, kadib markii ay gudaha u galeen dhalinyaro caraysan kuwaasi oo gacanta iskula tagey dadkii ka qeybgalayay munaasabada.

Gacan ka-hadalka ayaa sababay dhaawacyo gaarey qaar kamid ah dadkii ku sugnaa Hoolka xafladda ay ka socotay, iyadoo sawirro laga soo qaadey goobta ay muujiyeen burbur xoog leh oo gaarey qalabkii Hotel-ka, sida kuraasta, miisaska iyo agab kale.

Mid kamid ah ka qeyb-galiyaasha oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in Kooxda dhalinyarada ah ee soo weerartay munaasabadda ay ahaayeen dad ka caraysan dhiibistii Qalbi Dhagax ee dowladda Itoobiya sanadkii tagey.

Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax", oo kamid ah saraakiisha ONLF ayaa August, 2017 u gacan-gelisay Itoobiya kadib markii laga soo qabtey Gaalkacyo, qeybta Galmudug.

Xafladda loogu dabaal-degayay sanad-guurada 1aad ee doorashda Farmaajo ayaa fashil kusoo dhamaatay, kadib marki buuqa iyo gacan-hadal uu hareeyay, oo fooda is dareen taageeriyaasha Farmaajo iyo kuwa kasoo horjeeda.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa xaaladda soo fara-geliyay iyadoo meesha markii dambe la wareegay, sidoo kalena xabsiga dhigay 15 qof, oo isagu jira kuwa xafladda soo abaabulay iyo dhalinyaradii weeararka ku qaadey Hotel-ka.

Magaalada Muqdisho ayaa madaxda Villa Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo waxaa uu joojiyey munaasabad loo qabto maalintii la doortey talaabadaas oo ay soo dhoweeyeen dad badan oo isugu jira mucaarad iyo tageerayaasha Dowlada

Lama oga cida soo abaabushay dhalinyarada, balse arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Nairobi maalmihii laoso dhaafay ay la ciir-ciiraysay Xildhibaanno, Mas'uuliyiin iyo Musharaxiin hore, oo uu kamid yahay Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashid.

Mucaaradka ku kacsan dowladda ayaa mudooyinkii dambe isku arursanayay Nairobi, iyadoo wararku ay sheegayaan inay halkaasi ka abaabulayaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda Khayre.


Madaxweyne Farmaajo oo Idaacada BBC kaga jaawaabey s'aalo kooban oo dadku waydiiyeen sanad kadib doorashadiisa.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM