​Weerar lagu qaaday xarunta Boliiska waddooyinka Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Qarax xooggan ayaa ka dhacay afaafka hore xarunta Boliiska waddooyinka ee magalada Muqdishu, waxaana weerarkaasi ku dhinta inta la hubo lix qof, halka dhaawa kor u dhaafay 13 ruux.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay ruux ismiidaamiye watay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna isku qarxiyay xarunta Fiisha Taraafiko ee caasumadda Somalia.

Boliiska ayaa toogtay ruux kale oo doonayay inuu gudaha u galo xarunta la weeraray.

Saddex kamid ah dadka  dhintay ayaa la sheegay inay yihiin Boliiska halka kuwa kale ahaayeen shacab ka agdhawaa goobta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa GO u sheegay in weerarkaasi uu ahaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse wuxuu xusay inuusan falkaasi u dhicin qaabkii loogu tala galay, isagoo intaasi raacshay inay soo afmeeri doonaan weerarada kooxdan uu ugu yeeray Argagixiso.

Mallayshiyada ururka Shabaab ayaa weerarkaasi sheegtay, waxayna tilmaameen inay beegsadeen saldhigga ciidamada Taraafikada ee degmada Shangaani.

Kooxo katirsan goobaha caafimaadka iyo baabuurta dab damiska ayaa goobta gaaray, waxay gurmad ka gaysanayeen gar-gaarka dadka dhaawacmay iyo daminta holaca qaraxa.

Maaha markii ugu horraysay ee weerar lagu qaado saldhig ay leeyihiin ciidamada dowladda, waxaana magalada Muqdishu muddooyinkii noqotay goob amnigeedu faraha ka baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM