Weerarkii maleyshiyadda AS ku qaadey Hotel SYL oo lasoo afmeeray

Image
Waxyeeladda dhaawaca waxaa kamid ah mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Hotelka SYL oo kaabiga ku haya Villa Soomaaliya, waxa ay wada toogteen dhamaan kooxihii ka dhax dagaalamayey dhismaha.

Khasaare kala duwan oo illaa iyo hadda aan la xaqiijin inta uu le'egyahay ayaa ka dhashay falkan. Waxyeeladda dhaawaca waxaa kamid ah mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano.

Weerarkaan ayaa habeenkii xalay ku bilowdey baabuur qarax laga soo buuxiyey oo ka soo gudbey barihii kontroolada dowlada oo aheyd in laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada.

Dabley hubeysan ayaa, sidda xogto sheegeyso ka soo boodey dhabarka dambe ee Hotel-ka halka loo yaqaan beerta Nabada iyadda oo mid kamid ah is qarxiyey.

Sida Garowe Online ka heley qaar kamid ah saaraakiisha ciidamadda, dagaalka kooxdaas iyo ciidamada ayaa socday ilaa xalay.

Weerarka lagu qaadey Hotel SYL ayaa sida xoggo lagu kalsoon yahay sheegayaan imaabaya xilli khilaaf siyaasadeed iyo mid dhinaca dhaqaalaha u dhexeeyo madaxda hay’adaha amniga kuwaaas oo qaar garab ka haystaan Madaxtooyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM