Wiil Somali ah oo diley gabar Swedish

Image
Image
Image

Yusuf Khaliif Nuur oo dhalshdiisu tahay Somali ayaa la keeney Maxkamad ku taal dalka Sweden magaalada la yiraahdo Gothenburg kadib markii lagu soo eedeeyey inuu diley gabar tarjumaan ah ee u dhalatey dalkaas.

Gabadhaan ayaa mindiyo lagu dhuftey iyadoo isku dayeysay iney joojiso dagaal ka dhacey goob lagu xereeyo dadka qaxootiga ah ee dhalinyarada ah.

Waxa ay dhimatey iyadoo badbaadineysa nolosha qof kale oo dhalinyaro ah kaasoo Khaliif uu la rabey in mindidaan ku dhufto, sidaas waxaa saxaafada u sheegey sarkaal ka tirsan Booliska dalka Sweden. Xeer ilaalinta dambigaan gacanta ku haysa ayaa sheegtey ineysan run aheyn da'da wiilkaan sheegtey oo ah 15 jir.

Gabadhaan oo magaceeda la yiraahdo Mezher ayaa goor hore u sheegtey waalidkeed iney maamusho rag dhalnyaro kuwasoo da'dooda gareyso 24 jir balse ku xereysan xarun loogu talagaley caruurta jirta 14-17 sano. Caruurta qaxootiga ah ee da'doodu  jirto 15 sano ayaa codsiga sharcigooda la dadejiyaa wadanka Sweden taasoo sababta in  rag waaweyn iney been ka sheegaan cimrigooda.

Khaliif oo da'diisa lagu qiyaasey 20 jir ayaa wadanka Sweden yimid hal sano ka hor isagoo qaxooti ahaan kaga soo haajirey wadanka Somalia.

Xeerilaalinta gacanta ku haysa dilkaan ayaa sheegtey in arinkaan usan ku lug laheyn wax kufsi ah balse ninkaan dhalinyarada ah maskaxda ka xanuunsanaa isago oo aan seexan habeenadii.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM