Xaaf oo dacwad ka dhan Villa Somalia u gudbiyey Beesha Caalamka

Image

GAALKACYO, Mudug – Madaxweyne Xaaf oo warqad luuqad adag lagu qoray u diray Beesha Caalamka ayaa Villa Soomaaliya ku eedeeyay "faragelin, qalalaaso abuurid iyo qafaalashada nidaamka doorasho ee Galmudug".

Mudaneyaal ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka balse uusan magacaabin ayuu sidoo kale sheegay in ay qayb ka yihiin "talaabooyinkaas dib u dhaca u keenaya" horumarka maamul goboleedka.

Ciidamo ay dowladda federaalka u daabushay magaaladda Dhuusamareeb oo uu sheegay "in ay tirro badan yihiin" ayuu daboolka ka qaaday in "loogu talagalay cabsi-gelin iyo in lagu fulinayo danaha xukuumadda".

"Siyaasadda kala qeybinta iyo iska hor-imaadka ee DFS waxay keentay xiisado aan loo baahneyn iyo isku dhacyo kooxo hubeysan," ayuu ku daray.

Isagoo saaxiibadda caalamka u sharaxaya sababta uu wakiilnimada ugala noqday xukuumadda, Xaaf ayaa ku kala sheegay tabashooyin ka yimid beelaha qaar iyo in dowladda ku fashilantay xalintooda.

Xaaf ayaa caddeeyay in ay ka go'an tahay qabashadda doorashooyinka, iyaddoo loo marayo hanaan lagu kalsoonaan karo, lawada ogol-yahay lagana qeyb-geliyey saamileyda.

Deeq-bixiyeyaasha ayuu cod dheer ku waydiistay in ay taageeraan "guddiga doorasho" ee uu magacaabay 3-dii Janaayo, sanadkan 2020-ka.

"Si loo xaqiijiyo nidaam doorasho oo la hubo, xor ah, lagu kalsoon yahay xalaalna ah, waxaan ku martiqaadeynaa kormeereyaasha iyo saxaafada in ay u baahiyaan dhacdooyinka siday u soo shaac-baxaan".

Isbedelka ku yimid mowqifka Xaaf ee geedi-u-socodka doorashooyinka Villa Soomaaliya maamuleyso ee Galmudug ayaa kusoo aadaya iyaddoo nidaamka uu gabagabo ku dhow yahay, balse ay ku geedaaman yihiin caqabado.

Qoraalka Xaaf

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM