Xaaf oo qorshaha DF ee Galmudug ku lifaaqay doorashada 2020

Image

GAALKACYO, Galmudug - Madaxweyne Axmed Maxamed Ducaale [Xaaf] oo ka hor-yimid liiska baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa sheegay in uu la xisaabtami doono cidii soo bandhigtay "liiskaas been abuurka ah".

Sidda laga soo xigtay xafiiskiisa, talaabooyinka ay xukuumadda ka waddo Dhuusamareeb "waxay tusaale u yihiin" nooca ay rabto in ay noqoto doorashadda ay dooneyso in ay dalka ka dhacdo 2020.

Doorashooyinku oo qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod ayaa haatan laga muujinayaa shaki, maadaama Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay "isku koobtay" taladda dalka.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa Jimcadii soo bandhigay liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas.

Liiska tirro ahaan ka kooban 83 mudane ayaa 20 kamid ah waxaa soo xulatay Ahlu Sunna Waljameeca kadib heshiis ay la gashay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqista ayaa kusoo aaday iyaddoo ay jiraan warar kala duwan oo ku saabsan nidaamka loosoo xulay oo ay su'aal geliyeen qaar kamid ah xubnaha mucaaradka.

Guddiga ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhameystiri doono lix xubnood oo ka dhiman tiradda guud ee baarlamaanka Galmudug oo ah 89 Xildhibaan.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo sheegay in uusan aqoonsaneyn Guddiga ku sugan Dhuusamareeb ayaa magacaabay guddi doorasho oo ku shaqeynaya Gaalkacyo.

Tani oo soo cusbooneysiisay khilaafka arrimaha doorashooyinka Galmudug ayaa waxay sare u qaadey cabsida laga qabo in maamulka Galmudug uu yeesho laba hogaan.

Puntland oo ku waanisay xukuumada federaalka Soomaaliya in ay joojiso "qaadashada doorka Galmudug" ayaa dowlada madaxweyne Farmaajo waxay ku tartarsiisay in ay shacabka u madax-banaaneyso ismaamulkooda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAAF

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM