Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Xamsa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”.

Dhankooda, Ganacsatada ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM