Xamse: Kursiga Golaha Amaanka waxaan ku sugeynaa amniga dunida

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xubnimada dalka ee Golaha Ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray ka mid noqoshada in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025 — 2026.

Xamsa ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAMSE

Waxaan soo dhaweynayaa guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya ka gaartay doorashada xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, taas oo socon doonta muddo labo sano ah.

Waxaan maanta marag u nahay horumarka muuqda iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ay ka qaadaneyso arrimaha caalamka. Xubinnimada Golaha Ammaanka ee QM waxay fursad qaali ah noo siinaysaa inaan ka qeyb qaadanno ilaalinta nabadda, xoojinta iskaashiga iyo sugidda ammaanka adduunka.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo kuwa qaaradda Afrika ee taageeray codsiga Soomaaliya. Taageeradan waxay muujinaysaa kalsoonida iyo taageerada caalamka ee Soomaaliya.

Guushan waa mid noo sahlaysa inaan sii xoojino xiriirka aan la leenahay caalamka iyo inaan door muuqda ka qaadanno dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Waxaan caddeynayaa  in Xukuumadda DanQaran  ay ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta iyo sugidda nabadgelyada, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay sii wadaan taageerada ay u hayaan dadaalka dowladda.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM