Xamse oo daaha ka qaadey saddex arrimood awooda isugu geynayaan

Image
Ku dhowaad labo sano ayaa u dhamaatay xukuumadda haatan jirta iyadda oo wali guulahan aysan xaqiijin.

KISMAAYO, Jubaland - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xalay waxa uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka Jubaland.

Xamse ayaa dadkan ku boorriyey in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubaland.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga ciribtirayo Al-Shabaab iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Arrimaha waaweyn ee horyaalla Xukuumadda ayuu ku tilmaamay in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso ciribtirka Khawaarijta iyo la wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadka danbe.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, ciribtirka Khawaarijta, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM