Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Image
Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

Hargeysa, Soomaaliya - Laamaha amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Ugbaad Aragsan oo ah fanaanad caan ka ah gayga Soomaaliya, 24-Saac ka gadaal hees ay qaadday oo miraheedu ka mid ahaa “Farxadda Yaa La Iska Jiirin”.

Arrintan ayaa anafiir ku noqotey dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo si weyn ugu xirnaa fanaanada, iyada oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay sababta keentay xarigga.

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugabaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd, Booliska oo qoraal soo saaray ayaa ku sababeeyay xarigga inay baraha bulshada ku faafinaysay dhaqamo xunxun sida ay hadalka u dhigeen.

Balse dhanka kale, dad badan ayaa si kale u dhigay fasiraada xariga fanaadada, iyada oo loo aaneeyay arrimo dhowr ah oo ay ugu wacantahay inay qaaday hees uu ku luuqeeyay Fanaanka ku magac dheer Sharma Boy.

Heesta ayaa si weyn loogu dhaliiyay nidaamka Muuse Biixi, oo heshiis beenaad ah la galay dowladda Itoobiya, oo ereyadeeda ka mid ahaa “Ha biibiibin badana ha iibin, Shacabkaaga ciidooda haku ciilin… Laftinaga hanoo dhiiban”.

Sidoo kale, Ugbaad ayaa ka soo muuqatay bandhig ay qabtiin xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, iyada oo qaadday hees lagu weyneenayo Xisbiga iyo musharaxa u taagan hanashada xilka madatinimada.

Intaas oo is biirsaday iyo falal kale oo liddi ku ah rabitaanka Muuse Biixi, oo ka mid ah ka qeyb qaadashada Caleema-saarka madaxweyne Siciid Deni ayaa la sheegaya inay markii dambe sabab u noqdeen xarigga Ugbaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM