​Xasan Sheekh "Dumarka Somaliyeed way soo shaqaysanayaan"

Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay dumarka shaqaale ahaanta loo gaynayo dalka Sacuudiga xilli uu booqasho ku joogay dalka Suudan gaar ahaan magalada Khartuum.

Xasan ayaa sheegay in arrintaasi tahay qaab wanaagsan oo dowladda Federalka ku shaqaalaysiisay haweenka Somaliyeed ee shaqa la'aantu haysato, wuxuuna intaasi raacshay in si qaldan hindisahan loo dhigay.

Madaxweynuhu wuxuu ku andacooday in gabdhaha Somaliyeed safraan inta badan iyagoo aan wadan muxrim islamarkaana tahriibaan oo isaga gudbaan wadamo halis badan, wuxuuna qorshaha Sucuudiga ku sifeeyay mid wanaag u horseedaya dumarka dalka.

"Aad iyo aad ayaan uga xunnaha doodaha qaarkood sida loo dhigayo ee lasoo qaadayo gabdhaha Somaliyeed, gabadhaheena hadaba waa safraan, kaligooday safraan, iyagoo aan dowladi dirineey safraan, iyadoo cid xuquuqdooda ilaalinaysa aysan jirineey safraan, way tahriibaan, badahay maraan, Yemen oo dagaal kasocday ku dhex lugeeyaan oo Sacuudi Carabiyay galaan, hadda waxaas oo dhan wey dhammaatay, dowladda kafaalaqaaday, Mas'uuliyaday leeyihiin, xafiisyo iyo dad mas'uuliyiin ah ayaa dabo socda xuquuqdooda iyo waxooda ilaalinaya, ee waa sidaas wax dhibaato ah majirto," Ayuu yir madaxweynaha Somalia oo la hadlay muqaal baahiye la yiraahdo TV4.

Wuxuu intaasi ku daray in laga baxay dhibkii dumarka kusoo gaari jiray meelo sharciga ka baxsan, isagoo xusay inay hadda ku jiraan hayndaab sharciyaysan oo la aqoonsanayo goobta iyo cida dambiga ka gashay.

Xasan ayaa dadka Somaliyeed ugu baaqay inay ka haraan dacaayadaha la fidiniyo, wuxuuna si cad u sheegay in gabdhaha Somaliyeed shaqo tagayaan dalkoodana kusoo laabayaan iyagoo sharaf iyo sumcad wata.

Doodan ayaa dhalatay kadib markii dowladda Somalia shaacisay inay qabdho shaqaale ahaan u gaynayso dalka Sacuudiga, waxaana arrintaasi si aad ah uga soo horjeestay bulshada Somaliyeed oo u arka dalkaasi carbeed in lagu dhibaateeyo dumarka muruq maalka ah, halka culimaa'udiinku sheegeen inaysanba banaanayn diiniyan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM