​Xasan Sheekh "Ha lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub"

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda, ayaa waxaa goob joog ka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiir  Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ” ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.

Ilaa hadda lama caddayn sababta looga qaaday, waxaase muddooyinkii dambe jiray khilaaf xooggan oo labada mas'uul (Xasan Sheekh iyo Caydiid Ilka-xanaf), ka dhaxeeyay kuwaasi oo ku kala aragti duwanaaday arrimo garsoorka iyo shaqada dowladda la xiriira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM