Xasan Sheekh iyo Antony Blinken oo wadahadal telefoonka ah yeeshay

Image
Wadaxaajoodkan ayaa waxaa looga hadlay danaha amniga ee Geeska qaaradda Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Wadaxaajoodkan ayaa, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Dibadda Mareykanka, waxaa looga hadlay danaha amniga ee Geeska qaaradda Afrika.

Xasan iyo Blinken ayaa si gaar ah diirada u saarey baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka, in diiradda la saaro la dagaalanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha howlgalka beddelka howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

“Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM