Xasan Sheekh iyo Antony Blinken oo wadahadal telefoonka ah yeeshay

Image
Wadaxaajoodkan ayaa waxaa looga hadlay danaha amniga ee Geeska qaaradda Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Wadaxaajoodkan ayaa, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Dibadda Mareykanka, waxaa looga hadlay danaha amniga ee Geeska qaaradda Afrika.

Xasan iyo Blinken ayaa si gaar ah diirada u saarey baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka, in diiradda la saaro la dagaalanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha howlgalka beddelka howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

“Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM