Xasan Sheekh iyo Deni oo loo kala dab-qaadayo kahor shirka Garowe
GAROWE, Puntland - Dadaalo la doonayo in la isugu soo dhaweeyo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa daaha gadaashiisa ka bilaabanaya, sidda uu ogaadey Garowe Online.
Dalabka isku-soo-dhaweynta labada dhinac oo is-maan-dhaaf culus ka dhaxeeyo ayaa, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo, waxa uu marka hore ka yimid dhinaca Madaxtooyadda Soomaaliya.
Sidda ay xogta caddeynayso, madaxwayne Xasan Sheehkh oo khadka telefoonka kula hadlay hogaamiyeyaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa ergo ahaan ugu dirsaday Deni.
Wakiilada: Farmaajo iyo Shariif
"Farmaajo iyo Shariif oo ogolaadey soojeedinta Xasan Sheekh ayaa xujo uga dhigay inuu muddo labo todobaad ah ka baaqsado isku-dayadiisa ku wajahan wax ka badalka dastuurka inta wadajir laga helayo," ayay xuseen ilaha.
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa lagu wadday in uu qalinka ku duugo habraaca wax ka badalka dastuurka kaas oo si buuq leh ay u meelmariyaan mudaneyaasha labada gole ee baarlamaanka federaalka todobaadkii hore.
Waan-waantan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa xilli lagu waddo in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay isugu tagaan magaalada Garowe si ay uga wada doodaan mar-xalada xasaasiga ah ee dalka uu ku jiro.
Isku-dhaca Deni iyo Xasan
Shirweynahan oo wali aan la muddeyn ayaa kasoo baxay caleema-saarkii 25-kii Janaayo 2024 ka dhacay Garowe halkaas oo ay isku-arkeen inta badan madaxda dowladda federaalka iyo mucaaradka dibad-joogga ah.
Saciid Deni iyo Xasan Sheekh ayaa xiriirkooda uu si weyn hoos ugu dhacay wixii ka dambeeyay doorashaddii qabsoontay 15-kii May, 2023 waxaana arrimaha ay isku-maan-dhaafeen kamid ah balamo ay horey u wada galeen.
Xiriirkaas hoos-u-dhacay ayaa dhabaha u xaarey in Puntland ay muddo labo sano ah hoos-u-dhigto wadashaqeynta Dowladda Federaalka waxaana ka dhashay dagaal siyaasadeed oo aysan waxba iskula harin labada dhinac.
Shan sano v Labo sano
Villa Soomaaliya ayaa aad isugu dayday in ay saameyn ku yeelato natiijadda doorashaddii 8-da Janaayo, 2024 si ay kursiga u dhaafiso Deni hase ahaatee hogaanka dowladda federaalka wuxuu la kulmay dharbaaxo kulul.
Deni ayaa codad ka badan 40 kusoo baxay wareegga labaad ee coddeynta, iyadda oo murashaxii aadka ugu soo dhowaa oo ah Guuleed Saalax uu dhaafiyay waayey 17 cod oo kaliya.
Sikastaba, Deni oo haysta muddo xileed cusub oo shan sano ah iyo Xasan Sheekh oo ay labo sano uga dhiman tahay ayaa mar kale isugu soo laabtey fagaaraha siyaasadda taasoo cidda gacanta sarre yeelanaysa laga dhur-sugayo.
GAROWE ONLINE