Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo loogu kala garnaqayo shir beeleed

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa berri ku wajahan caasimada Kenya halkaas oo uu kulanka ka dhacayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan caasimadda Kenya ee Nairobi, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo illo wareedyo xog-ogaal ah.

Tafaasiil horudhac ah ayaa muujinaysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu Nairobi u tagayo wadahadalo uu la leeyahay dhigiisa Kenya ee William Ruto kaas oo ay kawada doodi doonan qodobo dhowr ah.

Socdaalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli  xukuumadda Nairobi ay dhowaan sheegtay in aysan dib-u-furi doonin xuduudka Soomaaliya illaa laga helayo damaanad-qaad buuxa oo dhanka amniga ah.

Dhanka kale, warbixino laga helay dad xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in Xasan Sheekh uu inta uu joogo Nairobi uu madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed kula kulmi doono gogol ay agaasintay beeshiisa.

"Shirkan dhexdhexaadinta Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Mudulood ayaa kasoo bilowday magaalada Makka todobaadkii hore halkaas oo labada mas'uul isku salaameen," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.

Xasan iyo Shariif ayaa si weyn ugu kala aragti-duwan dhowr arrimood oo la xiriira arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan mawduuca badalka Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo shalay qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in ay wadahadalo u balansan yihiin Xasan Sheekh balse ma uusan sheegin goorta iyo goobta.

"Waxaa jiray wadahadallo soo socday muddo dheer oo aan wax natiijo ah laga gaarin. Waxaa aaminsanahay  in la soo gaaray xilli baahi weyn loo qabo in la dhagesto talooyinka bulshada qeeybaheeda kala duwan sida Saamileyda Siyaasada, Maamul Goboleedyada iyo Wax garadka dalka," ayuu Sheekh Shariif raaciyay hadalkiisa.

Geesta kale, Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa hambalyadda Ciidul Fidriga waxa uu ku caddeeyay in uusan gorgortan kale ka geli doonin isbedelka uu ku sameeyay Dastuurka taas oo ah fariin diidmo ah kahor kulanka.

Sikastaba ha ahaatee, siyaasadda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay jiho cusub qaadi doonto marka dib u bilowdaan kal-fadhiyada baarlamaanka waase haddii waan-waan lagu xalin is-diidooyinka miiska saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM