Xasan Sheekh oo badalay qaar ka mid ah hogaanka sare ee Ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh, Sida lagu baahiyay wabaahinta Dowladda

Sidoo kale, Dayax Cabdi Cabdulle ayaa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa magacaabistaasi u cuskaday dastuurka u degsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana uu u rajeeyay taliyeyaasha cusub in ay ku guuleystaan howlaha muhiimka ah ee loo igmaday.

Isbedelka ayaa sida ay aaminsan yihiin qubarada amniga waxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku daboolayaa fashilkii dowladda kasoo gaarey weerarkii Cawsweyne, oo banaanka soo dhigay in qaladaad ka jiraan qorsheynta howlgalka militeri.

Madaxweynaha ayaa ku xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed iyo ciidankaba ay mas’uuliyad adag ka saaran tahay xoreynta dalka. Wareegtada ku saxiixnaa magaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaqan gashay maanta oo ah 18-kii September, 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM