Xasan Sheekh oo badalay qaar ka mid ah hogaanka sare ee Ciidanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh, Sida lagu baahiyay wabaahinta Dowladda

Sidoo kale, Dayax Cabdi Cabdulle ayaa loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa magacaabistaasi u cuskaday dastuurka u degsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana uu u rajeeyay taliyeyaasha cusub in ay ku guuleystaan howlaha muhiimka ah ee loo igmaday.

Isbedelka ayaa sida ay aaminsan yihiin qubarada amniga waxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku daboolayaa fashilkii dowladda kasoo gaarey weerarkii Cawsweyne, oo banaanka soo dhigay in qaladaad ka jiraan qorsheynta howlgalka militeri.

Madaxweynaha ayaa ku xaqiijiyay in shacabka Soomaaliyeed iyo ciidankaba ay mas’uuliyad adag ka saaran tahay xoreynta dalka. Wareegtada ku saxiixnaa magaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaqan gashay maanta oo ah 18-kii September, 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM