Xasan Sheekh oo gaaray degmada Xudur

Image

XUDUR - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa ku wehlinaayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga 2-aad ee howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go'doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgaradka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM