Xasan Sheekh oo hal-ku-dhegiisa 2016-ka u cuksadey furista dastuurka

Image
Halheyska xilligii doorashada caanka noqdey ayaa waxa uu yahay "Qabyo qofkeeda ayaa dhameystira".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacada maanta ah waxa uu sheegay in la dhameystiri doono dastuurka Soomaaliya xilli ay jiraan diidno xooggan oo ka imaanaysa xubno kasoo horjeedda.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacdey Xerada Xalane taasoo lagu soo dhaweynayay qaaditaanka xayiraada hubka, Xasan Sheekh ayaa waxa uu tibaaxya in guushan ay qeyb ka leeyihiin dhamaan madaxdii ka horeysay.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 1-dii December, 2023 waxa ay soo gabagabeeyeen "bartan madow" oo Soomaaliya dul-saarneyd tan iyo sanadka markii uu ahaa 1992-dii.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa waxa uu intaas ku daray in ku biiritaanka Soomaaliya ee Dalladda Bulshadda Bariga Afrika ay kamid tahay arrimaha ay kaalinta weyn ka qaateen madaxdii hore.

Soomaaliya ayaa bishii hore November, 2023 waxa ay kamid noqotay Ururka EAC kaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka Bariga Afrika isla markaana ujeedkiisu tahay horumarinta dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa waxa uu cuksadey hal-ku-dhegiisii caanka ahaa ee "Qabyo qofkeeda ayaa dhameystira" si uu u difaaco ololaha uu ku doonayo in uu wax uga badalo dastuurka kuna soo kordhiyo Madaxwyane ku Xigeen.

"Dastuurkan aan haysano waxaa lasoo ansixiyey xilligii aan ku meelgaarnimada ka baxnay. Hadda waa la dhameystirayaa. Howl walbo sidaas ayaa loo qabyo-tirayaa," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinacyadda kasoo horjeeda mashruuca dastuur furista ayaa waxa ay ku doodayaan in aan loo dhameyn madasha wax looga badalayo ayna maqan yihiin dhamaan saamileyda sidda Puntland, siyaasiyiinta miisaanka culus iyo Somaliland.

Dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu yahay kan ay dhaqaalaha ugu badan ku baxdey guud ahaan caalamka hase ahaatee illaa haatan aanan lagu guuleysan in uu noqdo mid rasmi ah oo dalka dhan looga dhaqmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM