Xasan Sheekh oo ka hadlay shilka wiilkiisa ka geystay Turkiga

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay inuu Inankiisa kula taliyay hortagida Maxkamadda.

MUQDISHO, Soomalaiya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wiilkiisa uusan ka soo cararin Turkiga kadib markii uu galay shil gaari oo ka dhacay ee Istanbul, waxaana uu intaa ku daray in uu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto oo uu hortago maxkamad, taasoo soo saartay amar lagu soo xirayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AP ku sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah oo dhaqtar ah uu ku sugnaa Turkiga kadib shilka sababay dhimashadda hal qof Turki ah.

“Wuxuu ahaa shil mana uusan soo baxsan, waxaan u qabtay qareen,” ayuu yiri Madaxweynuhu. “Ma jirin wax amar ah oo lagu xirayo. Sababo ganacsi buu dalkaas (Turkiga) uga soo baxay".

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir ahaa, ayaa ku dhintay isbitaal 6 December oo ku beegan lix maalmood kadib markii uu jiiray baabuur uu watay wiil uu dhalay madaxweynaha oo lagu magacaabo Mohammed Hassan Sheikh Mohamud, oo marayay waddo mashquul badan oo ku taal Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa amar ku bixiyay in wiilka uu dhalay madaxweynaha la xiro, lagana mamnuuco inuu u safro dibadda ka dib markii uu dhintay darawalka mootada, balse wararka ayaa sheegaya in Maxamuud uu Turkiga ka tagay markii warqadda la soo saaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM