Xasan Sheekh oo ku amaanay Turkiga taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadceliyey isniintii Turkiga sida ay u sii wadayaan taageerada horumarka, amniga iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee dalkiisa.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu magaalada Dhuusa-mareeb kula kulmay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ibraahim Mete Yagli oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca ammaanka iyo arrimo kale oo labada dhinac ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Yagli ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Taliyaha Guud ee TurkSom Brig. Gen. Sebahattin Kalkan.

Camp TurkSom, oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, waa saldhigga ugu weyn ee Turkiga ee ku yaalla dibadda iyo xarunta tababarka. Waxa ay awood u leedahay in ay qaaddo ku dhawaad ​​1,500 oo tababarayaal ah markiiba, waxa ayna hore u tababartay 5,000 oo ka mid ah ciidamada ammaanka Soomaaliya.

"Intii uu socday kulanka, madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah," ayay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay war-saxaafadeedka X.

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan olole lagu doonayo in cunaqabateynta hubka looga qaado Soomaaliya.

Cunaqabatayntan waxaa saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii 1992-kii ka dib burburkii taliskii milateriga ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo dhanka dhaqaalaha, diblumaasiyadda iyo militariga ah la leh Turkiga, kaasoo soo kordhayay tan iyo markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku yimid Soomaaliya 2011-kii.

Intaa wixii ka dambeeyay, Turkiga waxa ay Muqdisho ka dhistay safaarad 80,000-square mitir ah (861,112-square-foot) ah, taasoo ah safaaradda ugu weyn ee ay ku leedahay Afrika.

Hay’adaha samafalka ee Turkiga ayaa sidoo kale ka howlgala gudaha dalka, waxayna gacan ka geysteen ka hortagga macluusha 2022. Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa muddo afartan sano ah labadii sano ee ugu dambeysay.

Bishii hore ayay ahayd markii safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu saxiixayay heshiis ay iska kaashanayaan shirkad Turki iyo Soomaali ah oo lagu dhisayo warshad tamarta noolaha ah ee Muqdisho.

Warshadu waxay yeelan doontaa awood wax-soo-saar dhan 5.6 MW/saacaddii, iyadoo tamar siin doonta ku dhawaad ​​40,000 oo guri dhammaadka 2024, sida ay sheegtay safaaradda.

Soomaaliya ayaa sidoo kale filaysa in Muqdisho laga furo Bankiga Ziraat, kaasoo noqonaya Banggigii ugu horeeyay ee Turkiga laga furo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka jira Wararka Sheegaya In Safiirka Soomaaliya ee Kenya Dib Loogu Yeeray?

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo dadweynaha inay ka fogaadaan faafinta wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 10:31AM

Soomaaliya: Diyaarado ka degay Kismaayo iyo Isku-daygii DFS ee xayiraadda oo fashilmay

Waxay tani muujinaysaa inuusan shaqeyn isku-daygii maamulka Xasan Sheekh ee diyaaradaha looga joojiyay Kismaayo.

  • Soomaliya

    19-01-2025

  • 01:27PM