Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan

Image

MAXAAS, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kulamo kula qaatay tiro siyaasiyiin, cuqaal iyo waxgarad.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka hortagga xagjirnimada, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu xoreynayo dalka, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan ee ka qaateen la dagaalanka argagixisada, isagoo carrabka ku dhuftay in dalka uu leeyahay hal cadow oo ah ‘AS’.

“Waxaa loo baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada Ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan soo gaaray degmada Maxaas si uu u abaabulo ciidamo kuwa deegaanka oo ka dagaalama deegaanada Bariga Gobolka Galgaduud, oo ka mid ah meelaha yar ay gacanta ku hayaan argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM