Safaaradda Mareykanka oo VISA u diiday Xasan Sheekh [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa VISA u diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gollaha Arrimaha Caalamka ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka oo Xasan Sheekh ku casuumay inuu khudbad ka jeediyo Harvard's African Development Conference [Shirka Horumarinta Africa ee Harvard ayaa xaqiijisay in Safaaradda ay VISA-ha u diiday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

"Waxaan ka xunahay inana adinla wadaagno in Qunsuliyadda Mareykanka ee Soomaaliya u diiday in VISA usoo saarto Xasan Sheekh, sidaasi darteedna uusan awoodi dooni inuu khudbad ka jeediyo Shirka,"

Muxaadaro Cinwaankeedu yahay "Somalia the Crossroads: Opportunities + Challenges Post-Civil War" ayaa lagu waday in Xasan Sheekh uu ka jeediyo 27-ka March kulan ka dhacaya Marriott Sable Oaks, South Portland.

Agaasimaha Hay'adda World Affairs Council Maine, Kate McCarthy ayaa sheegtay inay aad uga xun yihiin in Shirkooda uusan kasoo qeybgaleynin Xasan Sheekh, islamarkaana mowduuca arrimaha Soomaaliya ku saabsan uu ka baaqday.

Safaaradda USA ee Muqdisho ayaa ku doodaysa in Soomaaliya ay kamid tahay 6 dal oo Muslim ah oo Muwaadiniintooda uu Madaxweyne Trump sanadkii tagey ka mamnuucay inay galaan Mareykanka.

Dowladda Federaalka ayaa wali ka aamusan arintan, oo dhaawacaysa mudnaanta Xasan Sheekh oo Madaxweyne ka noqday Soomaaliya, oo ah dal madax-banaan, islamarkaana xilka si nabad ah uga degay markii doorashada looga adkaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM