Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Image
Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April.

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii Garowe Online uu baahiyey in madaxda maamulada ay ka fekerayaan in ay soo saaraan war-murtiyeed wadajir ka dhan ah wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa haddii ay dhacdo waxa ay dharbaaxo ku noqon kartaa madaxwayne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa ku aadan inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka.

Dhanka kale, shirka Wadatashiga ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland kala laabatay dowladda Federaalka aqoonsiga, kuna dhawaaqday in Maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.

Sikastaba ha ahaatee, siyaasada Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay galeyso mar-xalad xasaasi ah maalmaha soo aadan maadaama ay taagan yihiin mawduucyo waaweyn gaar ahaan dastuurka iyo doorashooyinka kuwaas oo u baahan yahay heshiis wadar ogol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM