Xasan Sheekh oo shuruudo ku xiray wadahadalka Itoobiya

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay in dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad xulka Galmugug lagu guddoonsiinayay Koobka Tartanka Dowlad-Goboleedyada ayaa ku tilmaamay damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay “mid gurracan oo aan la aqbali karin,”.

Wauxuu madaxweynuhu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay wada hadal la furi doonaan Itoobiya hadii ay ka laabtaan heshiisn beenaadkii uu taliska Abiy Ahmed la saxiixday Itoobiya.

“Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay berri waan wadahadli karnaa”. Ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale ku dheeraaday damaca Itoobiya isaga oo sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse dowladda Soomaaliya oggolayn wax intaasi dheer.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin in qayb kale la goosato.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shacabka Itoobiya in aysan cadaawad kala dhaxayn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana baxday dhaqankii derisnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM