Xasan Sheekh oo soo afmeeray shakaalkii hadalheynta dhaliyay

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu booqasho maalmo qaadatay ku tagay Isutagga Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Xasan Sheekh ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay'adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Villa Soomaaliya ayaa intaas raacisay: "Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu".

Soo laabashada Xasan Sheekh ayaa waxa ay soo afjartey hadal-heyn badan oo ka taagneyd shakaalka ugu xirneyd gacanta taasoo uu horey u sheegay in ay sababtay shil uu galay isaga oo sameynaya jimicisi ama jirdhis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM