Xasan Sheekh oo soo afmeeray shakaalkii hadalheynta dhaliyay

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu booqasho maalmo qaadatay ku tagay Isutagga Imaaraadka Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo uu kaga qeyb-galay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Xasan Sheekh ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay'adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Villa Soomaaliya ayaa intaas raacisay: "Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-neno, isagoo soo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu".

Soo laabashada Xasan Sheekh ayaa waxa ay soo afjartey hadal-heyn badan oo ka taagneyd shakaalka ugu xirneyd gacanta taasoo uu horey u sheegay in ay sababtay shil uu galay isaga oo sameynaya jimicisi ama jirdhis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay.

  • Soomaliya

    02-02-2025

  • 12:58PM

Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay

  • Soomaliya

    01-02-2025

  • 12:44PM