Xasan Sheekh oo Wasiirka difaaca Mareykanka kula kulmay Jabuuti

Image
Image

JABUUTI - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in Xasan Sheekh kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Dhankiisa Mudane Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada isagoo tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go'an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka.

Waxuu Madaxweynaha hoosta ka xariiqay in argagaxisadda Soomaaliya yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah.

Mareykanka ayaa boqolaal askari ka jooga Soomaaliya oo fuliya duqeymaha cirka, iyagoo sidoo kale tababara Ciidanka Danab, oo ah kuwa iyaga kala shaqeeya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM