Xasan Shiikh oo ka ambabaxaya Muqdishu

Image

MUQDISHU: Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia qorsheynayo in maanta u ambabaxo dalka Kenya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa wadanka Kenya kaga qayb galaya munaasabad baroordiiq ah oo loo sameynayo askartii ku dhimatey weerarkii lagu qaadey saldhiga ciidamada Amisom ee ku yaaley degaanka Ceelcad ee gobolka Gedo.

Mudane Xasan ayaa laga yabaa dhinaca kale in magaalada Addis Ababa kaga qayb galo kulan laga hadlayo arrimaha amniga.

Safarka madaxweynaha Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda maamulada Somalia ku sugan yihiin magaalada Muqdishu halasoo la filayey inuu ka furmo kulan looga arinsanayo hab raaca doorashada Barlamanka Federaalka kaasoo la rajeynayo inuu cod ku doorto madaxda sare ee dalka hogaamin doonta sanadkaan dabayaaqadiisa.

Maalintii shaley Jan 25,2016  ayey aheyd markii madaxada Somalida ku kala kacdey kulan hordhac ah oo ay isugu yimadeen kaasoo goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Xasan Shiikh ayaa kulankaas kasoo jeediyey in madaxda Somalida shirkii ka dhacey magaalada Kismayo ku heshiiyeen in 4.5 lagu soo xulo aqalka hoose ee Barlamanka halka aqalka sare soo go'aamiyeen in maamulada dalka ka jira loo qaybiyo si siman balse Puntland iyo Somaliland xubno dheeri ah loogu daro madaama gobolo badan hoos yimadaan.

Hadalkaan ayaa waxaa ku gacansayrey madaxda Puntland iyo Jubaland halka Galmudug saluug ka muujisay xubnaha dheeriga ah ee loogu darey labadaan maamul.

Ambabaxa madaxweynaha Somalia uu kaga tagayo madasha shirka ayaa laga yabaa iney ka careysiiso madaxda maamulada taasoo laga yaabo in albaabka u furto in mas'uuliyin kale isaga huleelaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlada Federaalka , Ra'isla wasaaraha iyo gudoomiyaha Barlamanka ayaa wararka laga helayo xubno xogogaal ah sheegayaan in beesha caalamka hordhigeen qorshe ay kaga  dalbanayaan in lagu soo wareejiyo awooda go'aan ka gaarista ugu dambeysa ee qaabka loo soo xuli doono xubnaha aqalka wakiilada Somalia iyadoo la dhinac marayo maamulada dalka ka jira.

Gudoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa sidoo kale dalka ka maqan isagoo shir kaga qayb galaya wadanka Ciraaq taasoo muujineysa sida madaxada sare ee dowlada Federaalka tixgalin u siineyn kulankaan ka socda Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM