Xayiraada DF u soo rogtay ka hortagga Covid-19 oo mar kale lagu tuntay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarad sidda shixnado Khaad ah ay Jimcihii ka degtay magaaladda Baraawe, caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Maandooriyaha ayaa la sheegay in si dhuumaaleysi ah looga soo dhoofiyey Kenya isla markaana qaab dhulka ah lagu keenay magaaladda Dhoobley, gobolka Jubadda Hosoe ee hoostaga maamulka Jubaland.

Sidda ay warbixinadda qeexayaan, diyaarad ka duushay Muqdisho ayaa Khaadka waxay geysay Baraawe, halkaas oo doonyo badan oo taagnaa ay uga sii daad-gureeyeen goobo kale oo waddanka ka tirsan.

Dhowr illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in diyaaradaha ay adeegsadaan xeelado kala duwan si ay ugu xadgudbaan xayiraadaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u soo rogtay ka hortagga safmareenka Covid-19.

Xeeladda koowaad ayaa lagu qeexay in diyaaradda ay hawada Soomaaliya kusoo gashay howlgal bini'aadanimo, balse ay weecatay dhan kale si ay u soo qaado Khaad lagu soo kootarabaaneeyay gaadiid.

Su'aallaha is-waydiinta mudan ayaa ah; Yaa caawinaya diyaaradahan ku xadgudubaya xayiraadaha Coronavirus? Yaa qaaday xayiraadda lasoo rogay iyo sideese loo qaadey? Ganacsatadda Khaadka ma waxay ka awood badan yihiin dowladda? Intee la eg-tahay dhibaatooyinka ay xadgudubyadan u geysan karaan dedaaladda looga gaashaamanayo fayruska?

Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa kamid ah wadamadda ay ganacsatooda ka macaashaan Khaadka ay u soo iib-geeyaan gudaha Soomaaliya, iyaddoo aysan jirin wax bedel ah oo ay qaataan.

Horaantii bishaan June, xukuumadda Soomaaliya ayaa shatiga duulimaad kala laabatay laba shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay Kenya, oo ay ku eedeysay in ay sifo sharci darro ah Khaad kusoo geliyeen dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM