Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya oo ka hor-yimid sii deynta CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa si cad uga hor-yimid go'aankii kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir ee lagu sii daayay maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Axmed Cali Daahir oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Maxkamada ay u diiday racfaan inuu ka qaato go'aankeeda iyo in mudo dheeraad ah la siiyo si uu cadeymo dhamaystiran ugu keeno kiiska CC Shakuur.

Go'aanka Maxkamadda wuxuu ku tilmaamay mid hareermarsan sharciga.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in dacwad-oogayaasha ay markii hore racfaan qaateen, markii loo diiday in la siiyo mudo ku filan oo kusoo cadeynayaan eedaha lagu soo xiray Cabdiraxmaan, taasi oo Maxkamadda gaashaanka ku dhufatay.

Gudoomiyaha Makamadda gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in Xeer ilaalinta ay ku fashilantay inay la timaado cadeymo mudadii 48-da saac ee la siiyay, sidaasi darteedna xuriyadiisa loogu celiyay CC Shakuur.

Wuxuu xaqiijiyay in CC Shakuur la weeraray gurigiisa iyadoo aysan hay'adaha amniga wadan warqad ogolaansho oo maxkamad soo saartay. 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Xukuumadda ayaa Isniintii ka sheegay Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho in iyagoo wata warqad Maxkamadeed ay tageen guriga CC Shakuur habeenkii Axada [18-ka Dec], kadibna iska caabin kala kulmeen ciidamada ilaalada u ah Siyaasiga.

CC Shakuur oo sii deyntiisa kadin hadlay ayaa sheegay inuu raadsanayo cadaalad, islamarkaana uu furanayo dacwad ka dhan ah kuwii soo xiray ee sida gardarada ah ku weeraray gurigiisa iyo dilka loo geestay askarta ilaaladiisa.

Siyaasigan oo mudo 3 maalmood ah ku jiray xabsiga dowladda ayaa soo dhaweeyay sii deyntiisa, waxaana uu yiri: "Dalka qori laguma xukumi karo."

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono CC Shakuur oo la sheegay inuu hogaaminayo Koox mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka shaqeynaya mooshin laga keeno Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM