XFS: Ma aqoonsanin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qoraal soo saartay ayaa xustay in habraaca loo marayo coddeynta maamulkan ay tahay mid aanan "waafaqsaneyn" dastuurka waddanka.

Talaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo maanta magaaladda Kismaayo lagu doortay gudoonka baarlamaanka labaad ee maamulkaasi oo ay kusoo baxeen xubihii hore.

Doorashadda madaxweynaha ayaa loo balansan yahay 22-ka bisha August ee sanadkan xili murashaxiinta la siiyey muddo kordhin ay isku diiwaan-geliyaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda oo lagu fahfaahiyey habraaca ay rabto in la maro ayaa waxaa horey ganafka ugu dhuftay mas'uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM