Xiisad ka taagan Kismaayo iyo ciidan xiray wadooyinka

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiisad iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in malleeshiyaad taabacsan Xildhibaan Axned Taajir, oo dhawaan uu xiray maamulka Jubbaland ay saaka xireen wadooyinka waaweyn.

Malleeshiyaadka ayaa iskuu geedaamay Xarunta Nabad Sugida Jubbaland, gaar ahaan Dabaqa Fiat oo uu ku xiran yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan [Axmed Taajir].

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonto xaaladda kacsan ee hadda ka jirta Kismaayo, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inuu dagaal dhaco.

Maalmo kadib markii xabsiga la dhigay Xildhibaan Axmed Taajir, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, taasi oo lagu micneeyay inuu doonayo in Xildhibaanka lasoo taago Maxkamad.

Axmed Taajir oo xasaanada laga qaadey Todobaadkii tagey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu maleegayay Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM