Xiisadda magaaladda Guriceel oo isku rogtay gacan ka hadal

Image
Isku-dhacan ayaa ah natiijadda abaabulan ciidan oo todobaadyadii u dambeeyay socday.

GURICEEL, Galmudug - Xiisada maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel ayaa saaka waxay isku rogtay gacan ka hadal, sida ay sheegeen laba illo wareedyo ku sugan degmadda.

Wariyeyaasha oo soo wariyey in dagaalka uu ka qarxay koonfurta magaaladda ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac balse aan la hubin tiradda saxda ah.

Waxyeeladda soo gaari karta dadweynaha ayaa lagu waramay in ay kooban tahay maadaama inta badan dadka ay ka qaxeen halkaas todobaadyo kahor ayaga oo ka cabsi qaba iska hor-imaad.

Isku-dhacan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamadda dowladda iyo kuwa Galmudug oo is-kaashanaya ay xalay galeen qeyb kamid ah Guriceel halkaasoo ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaq.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Ahlu Sunna ay xalay ka baxeen saldhiga booliska Guriceel oo ay la wareegeen bishii hore kadib markii ay degaanka kusoo laabtaan laba sano o ay moogeen.

Guriceel ayaa noqotay furin cusub oo majaxaabin karta geedi-socodka doorashooyinka heer federaal Soomaaliya ee sida weyn dib-ugu-dhacay maadaama qodobada lagu isku hayo ay siyaasad yihiin.

Ahlu Sunna ayaa xudun u ah xasaradan qarka u saaran in ay isku rogto dagaal dhiig ku daato xilli ay shuruudo ay la timid dartood u burbureen wadahadalo lala furay kooxda.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in wadaadadu u socdaan in ay gorgortanka ku helaan kuraas heer federal ah. Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in shuruudan ay ku metelayaan siyaasiyiin.

Dhinacyada lala xiriirinayo waxaa kamid ah madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo. Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale waxaa la sheegay in ay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan coddeynta Aqalka Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 05:28PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Guul Muhiim ah ka Gaaray Dagaal Daacish

Tani waa qayb ka mid ah dagaalkooda 25 sano ah ee ay kaga hortagayaan kooxaha argagixisada ee soo galaya xuduudaha Puntland.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 04:58PM