Xil. Ilhaan Cumar oo si kulul uga hadashay damaca Itoobiya ee Badda Cas

Image
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in aan la qaadan karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Minneapolis (GO) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay damaca Itoobiya ee Badda Cas, iyadoo sheegtay in badda Soomaaliya aan la iska qaadan karin.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in aan la qaadan karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Ilhaan ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka aysan ka taageeri doonin dal kale in uu weeraro madaxbanaanida Soomaaliya.

“Inta aan aniga joogo Congress-ka Mareykanka, cid qaadan karto malahan Badda Soomaaliya.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Waxay sidoo kale ku ammaantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aanka adag ee ay dowladdu qaadatay.

Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladooda si ay uga jawaabaan damaca Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM