Xildhibaan Fowsiyo oo si rasmi u shaacisay inay u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika

Image
Doorashada Xilkan ayaa la qaban doonaa 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, ka dib shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho.

Marwo Fowsiyo ayaa ku nuux-nuuxsatay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay xilkan, iyadoo xustay in qofka xilkan qabta uu faa’iido u horseedi karo dalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxay intaas ku dartay: “Soomaaliya waxay isku dayday inay jagadan hesho 1970-meeyadii, laakiin kuma aysan guuleysan, weligeedna ma qaban, balse markaan waxaa guddoonka leh bariga, waxaana ka sharaxan annaga iyo Kenya.”

Xildhibaan Fowsiya ayaa hadalkeeda ku soo gebegabeysay in Soomaaliya fursad aad u sarreysa ay u leedahay hanashada xilkan doorashadiisa la qaban doono 25-ka Febraayo ee sanadka soo soocda haddii lagu bixiyo dadaal ku filan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhawaan ugu deeqay lacag dhan 500$ oo Mushaarkooda ah si ay ugu taageeraan musharaxnimada Xildhibaan Fowsiya, xilli la filayo in Madaxda dalka ay iyaguna ka qeyb qaataan dadaalkaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM