Xildhibaan Hore oo meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa hotel ku yaala Muqdisho

Image
Ilaa hadda lama oga waxa sababay geerida Xildhibaanka hore.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Hore Axmed Aadan Cabdi oo horey uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaanada Somaliland, ayaa meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotel Muqdisho ee ku yaala Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka laga helayo dhanka ammaanka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Soomaaliya ay soo xireen eedeysane gudaha qolka Hotelka kula sugnaa marxuumka, waxaana uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee la kulmay wakiilka.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay geerida Xildhibaanka hore, iyo in uu ahaa fal ula kac ah, maadaama aan wali faahfaahin laga helin laamaha amaanka.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali oo maanta qabtay Shir-jaraa’id ayaa sheegay in marxuumka loo gudbiyay Isbitaalka Martiini uuna halkaasi ku geeriyooday, waxaana Xabsi la dhigay Eedeysanaha.

Afhayeenka oo intaasi ku daray in ay wali socdaan baritaanada laga wado dhacdadan ayaa sidoo kale sheegay in la soo xiray eedeysanayaal ku lug lahaa kiiska Cabdinaasir Muuse (Dahable) oo dhawaan meydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa degmada Wadajir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM