Xildhibaan Hore oo meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa hotel ku yaala Muqdisho

Image
Ilaa hadda lama oga waxa sababay geerida Xildhibaanka hore.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Hore Axmed Aadan Cabdi oo horey uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaanada Somaliland, ayaa meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotel Muqdisho ee ku yaala Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka laga helayo dhanka ammaanka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Soomaaliya ay soo xireen eedeysane gudaha qolka Hotelka kula sugnaa marxuumka, waxaana uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee la kulmay wakiilka.

Ilaa hadda lama oga waxa sababay geerida Xildhibaanka hore, iyo in uu ahaa fal ula kac ah, maadaama aan wali faahfaahin laga helin laamaha amaanka.

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali oo maanta qabtay Shir-jaraa’id ayaa sheegay in marxuumka loo gudbiyay Isbitaalka Martiini uuna halkaasi ku geeriyooday, waxaana Xabsi la dhigay Eedeysanaha.

Afhayeenka oo intaasi ku daray in ay wali socdaan baritaanada laga wado dhacdadan ayaa sidoo kale sheegay in la soo xiray eedeysanayaal ku lug lahaa kiiska Cabdinaasir Muuse (Dahable) oo dhawaan meydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa degmada Wadajir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM