Xildhibaan kale oo Muqdisho "ugu geeriyooday" cudurka Covid—19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan [Aadan Jamhuuriya] oo ka tirsanaa xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanaha ayaa habeenimadii Jimcada wuxuu ku dhintay Isbitaal Yardamili ee Muqdisho. Shalay oo Sabti ahayd ayaa la aasay.

Mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa aaminsan in marxuumka uu u dhintay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Balse ma aysan fahfaahin qaabka uu ku qaadey. Hase ahaatee, waxaa la aaminsan yahay in uusan Muqdisho safar kaga bixin.

Aadan Jamhuuriya, oo sidoo kale ahaa xoghayaha guddiga maaliyadda Aqalka Hoose, ayaa sidoo kale muddo bilooyin ah wuxuu Isbitaalka u yiilay in laga daaweeyo cudurka kelyaha oo uu la ildarnaa.

Sikastaba, wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad oo uu magaala madaxda Muqdisho ku galaafto caabuqaas safmareenka ah.

Khaliif Muumin oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle isla markaana ahaa Wasiiru Dowlaha cadaalada maamulkaas ayaa todobaadkii hore u dhintay cudurka, maalin kadib markii laga helay fayruska.

Tirada guud ee dhimashada marka laga hadlo Soomaaliya ayaa haatan mareysa todoba; kiisaska waxay gaareen 135; bukaanada kasoo bogsaday waa laba, sidda ku xusan warbixinta Wasaaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM