Amarro lagu soo rogay Xildhibaanada Soomaaliya [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa amarro culus kusoo rogay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed xooggan.

Qaasim Axmed Rooble, oo ah Afhayeenka Booliska dowladda Soomaaliya oo Shir Jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in amaanka xarunta gollaha shacabka aad loo adkeyn doono, islamarkaana aan loo ogolaan doonin Xildhibaanada inay hub la galaan.

"Amniga aad baa loo adkeyn doonaa, Xildhibaanada looma ogolaan doono inay hub la galaan xarunta, iskaba daayee hub, xitaa Istikiin ama Fandhicil la galaan xarunta," ayuu yiri Afhayeenka oo digniin culus u diray Xildhibaanada.

Hadalka Afhayeenka Booliska ayaa kusoo beegmaya xilli gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku baaqay in si deg deg ah Ciidamada la duldhigay xarunta sharci-dejinta looga soo qaado, sidoo kalena lagu soo celiyo kuwii hore loogu ogaa.

Jawaari ayaa sheegay in wixii dhibaato amni darro ah ee ka yimaada Gollaha shacabka ay mas'uuliyadaasi qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM