Amarro lagu soo rogay Xildhibaanada Soomaaliya [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa amarro culus kusoo rogay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed xooggan.

Qaasim Axmed Rooble, oo ah Afhayeenka Booliska dowladda Soomaaliya oo Shir Jaraa'id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in amaanka xarunta gollaha shacabka aad loo adkeyn doono, islamarkaana aan loo ogolaan doonin Xildhibaanada inay hub la galaan.

"Amniga aad baa loo adkeyn doonaa, Xildhibaanada looma ogolaan doono inay hub la galaan xarunta, iskaba daayee hub, xitaa Istikiin ama Fandhicil la galaan xarunta," ayuu yiri Afhayeenka oo digniin culus u diray Xildhibaanada.

Hadalka Afhayeenka Booliska ayaa kusoo beegmaya xilli gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku baaqay in si deg deg ah Ciidamada la duldhigay xarunta sharci-dejinta looga soo qaado, sidoo kalena lagu soo celiyo kuwii hore loogu ogaa.

Jawaari ayaa sheegay in wixii dhibaato amni darro ah ee ka yimaada Gollaha shacabka ay mas'uuliyadaasi qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM