Xildhibaanada Hawiye oo kulan fashilmay la qaatay RW Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudi ka socda Xildhibaanada Beelaha Hawiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabada u xiran la qaatey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirka ayaa looga hadlay sii deynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u xiran hadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Kulanka oo saacado qaatay kusoo idlaaday is-faham la'aan, kadib markii uu Ra'iisul Wasaare Khayre uu u sheegay Xildhibaanada in kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan waxba ka qaban karin, islamarkaana uu ku jiro gacanta Hay'adaha sharciga.

Xildhibaanada Hawiye ayaa markii hore dalbaday in lagu soo wareejiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ku jira xabsiga Nabad Sugida ee magaalada Muqdisho oo su'aallo lagu waydiinayo.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in maxkamd lasoo taagayo Siyaasigan, oo Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir ku soo oogay falal dembiyeed uu kamid yahay baabulka dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Xukuumadda.

RW Khayre ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kiiskiisa lagu dhameyn doono qaab sharciga waafaqsan markii uu soo dhamaado baaritaanka ay hay'adaha amniga ku hayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay ku wargeliyeen Xasan Cali Khayre in ay duleedka Muqdisho ku celinayaan ciidamo doonaya in awood military kusoo furtaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Lama oga halka uu ku dhamaan doono Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo buuq badan dhaliyay, islamarkaana noqday mid aad loo hadal hayo, lagana baaqayo inuu abuuro jawi colaadeed.

Tani ayaa waxay sii xoojinaysaa Mooshin la hadal hayay oo ka dhan ah RW Khayre, kaasi oo abaabulkiisa uu soo socday mudooyinkii dambe, iyadoo Xildhibaanada laga yaabo tiradooda inay sii korarto xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib.

Amaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay tan iyo shalay markii la xiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna dowladda dhigtay dhamaan wadooyinka ciidamoo si gaar ah u tababaran oo kamid ah NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM